GLOBAL NEWS

Somaliland oo diiday Qoxooti Soomaaliyeed oo kasoo Cararay Yemen


Xukuumadda Somaliland ayaa qoxooti Somali ah oo kasoo cararay dalka Yemen u diidday inay ka degaan Dekedda Magaalada Berbera kaddib markii ay dhawaan sheegtay inaysan qaabili doonin Qoxootiga Soomaaliya kasoo jeeda ee kasoo cararaya colaadaha Yemen.

Doonida ay dadkani saarnaayeen waxaa la socday muwaadiniin u dhashay Dalka Yemen, waxaana markii uu markabka halkaasi tagay is hor-taag ku sameeyay in dadka Soomaalida ah laga soo dajiyo Mareeyaha Dekadda Berbera.

Maamulka Berbera oo iyaguna soo gaaray Dekadda ayaa kormeeray dadkaas si ay u kala hubiyaan halka ay kasoo jeedaana deegaan ahaan, dadkaasi waxay u bateen kuwo kasoo jeeda Somaliland.

Waxaa meesha ka dhashay muran xoogan iyadoo dadkii loo diiday inay dagaan lagu amray inaysan cagta soo dhigi karin Berbera, iyadoo dadka qaarkood ay ku goodiyeen inay badda isku tuuri doonaan haddii loo diido inay dekedda ka dagaan.

Haddaba haweenkii saarnaa markabka oo caruur ay ka xanuunsanayeen ayaa ku qayliyay inaan la kala takoorin dadka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen inay iyaga iyo carruurtooda badda isku shubayaan haddii markabka laga dajin waayo.

Ugu dambeyn, muran iyo xanibaad dheer kaddib waxay wasiirrada maamulka Somaliland ogolaadeen in dadkaas laga soo dajiyo Markabka, inkastoo aan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan.