AF-SOOMAALI

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi shakuur Warsame oo Xabsiga loo taxaabay


Faah faah dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday hoyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ku yaalla Degmada Wadajir, gaar ahaan meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidamada dowladda ayaa beegsaday gurigaasi, saqdii dhexe ee xalay, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo illaalada guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen qaar ka mid ah illaalada guriga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, kaddib markii iska hor imaadka uu dhexmaray ciidamada dowladda ee weeraray hoyga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa soo xiray oo gacanta ku dhigay C/raxmaan C/Shakuur oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray intii weerarka uu socday, inkastoo aanan la ogeyn dhaawaca soo gaaray siyaasiga inta uu la eg yahay.

Saraakiisha dowladda Federalka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka qorsheysan ee xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Weerarkan ayaa imanaya iyadoo shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu laba Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka ku eedeeyay in ay yihiin qaran dumis, islamarkaana dowladda Shisheeye ay ka soo qaateen lacago, inkastoo mid ka mid ah Xildhibaanadaasi uu beeniyay arintaasi.

C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya isaga oo horay u soo noqday wasiirka Qorsheynta, isaga oo u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya.