AF-SOOMAALI

Sidee loo soo magacaabayaa xubnaha dheeraadka ah ee lagu kordhiyay aqalka sare


Hogamiyayaasha madasha-wada-tashiga Qaran ayaa war-murtiyeed ay ka soo saareen shirkii ugu dheeraa oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho qodobada ku jira waxaa ka mid ah xubno dheeraad ah oo lagu kordhiyay aqalka sare oo markii hore ka koobnaa 54 mudne, laakiin hadda noqonaya 72 xildhibaan, kaddib markii lagu kordhiyay 18 xubnood.

Maamul gobolleedyada ayaa siddan u kala helay tirada dheeraadka ah ee lagu kordhiyay xubnaha aqalka sare :

Magaca——Tiro hore—-lagu daray—Wadar

  1. Somaliland: 11 kursi +3 kursi 14
  2. Puntland: 11 kursi +3 kursi 14
  3. Galmudug: 8 kursi +3 kursi 11
  4. Hirshabelle: 8 kursi +3 kursi 11
  5. K/Galbeed: 8 kursi +3 kursi 11
  6. Jubbaland: 8 kursi +3 kursi 11

Wadarta———-54——–18————72

Xubnahan cusub ma soo dooran doonaan xildhibaannada baarlamaanka dowlad gobolleedyada, hasse ahaatee waxaa si toos ah u soo magacaabaya madaxweynayaasha dowlad gobolleeda, iyadoo marka danbe uu xeer madaxweyne ku soo saarayo madaxweynaha Jahmuuriyada Xassan Sheekh Max’uud.

Ugu danbeyntii, wadarta guud ee xildhibaannada la filayo in ay soo doortaan madaxweynaha Jamhuuriyad ayaa noqoneya 347 xildhibaan, halka markii hore tarida wadarta guud ee labada aqal ahaayeen 329 xildhibaan.