GLOBAL NEWS

Shirkii wadatashiga oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo


Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka wadatashiga aayaha Soomaaliya ee doorashooyinka sanadda 2016, kaa oo ay ka qeybgalayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo.

Shirkan oo ay bulshada uga talo bixineeyso doorashooyinka sanadda soo socota la filayo in ay ka qabsoomaan Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirka dastuurka dowladda Soomaaliya, xildhibaanno ka socday dowladda, madax ka tirsan Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo, sida dhalinyarada, haweenka, odoyaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka.

Fadhigii ugu danbeeyay ee ay yeesheen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa lagu go’aamiyay in bulshada ku dhaqan gobollada dalka ay ka qeybaataan talo ka bixinta hannaanka loo qaban doono doorashooyinka sanadda 2016, maadaama dowladda Soomaaliya ay hore shaaca uga qaaday in aysan suurogal ahayn doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ku booriyay dadkii ka qeybgalayay shirka in ay aragtidooda dhiibtaan isalamarkaana talo ku darsadaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Wasirka dastuurka dowladda Soomaaliya Xuseen Max’uud Sheekh Xuseen oo isna khudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa sheegay in la doonayo in bulshada Soomaaliyeed ay ra’yigooda ka dhiibtaan sida ay u dhici doonto doorashada maadaama la doonayo in sanadda soo socoto la qabto doorashooyinkii Soomaaliya.

Inta badan gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmay shirar ay bulshada Soomaaliyeed uga doodeeyso doorashooyinka sanadda soo socota, ayadoo deegaanada Jubbaland ay shirarkani ka dhacayaan magaalooyinka Dhoobleey, Garbahaareey iyo Kismaayo.