GLOBAL NEWS

Shirkii Wada-tashiga Qaran oo lagu Go’aamiyay Nooca Doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya


War-murtiyeed Caawa kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu shaaciyay qaabka doorasho ee dalka ka dhicaysa dhamaadka Sannadkan 2016-ka, iyadoo lagu sheegay War-murtiyeedka in iyadoo la eegayo Duruufaha jira ee dhanka amniga ay madaxda Soomaalidu isla garteen in dalka doorasho ay ka dhacdo sannadkan.

Qodobbada ku xusnaa War-murtiyeedkaan ayaa Waxaa ka mid ah inaysan jirin wax muddo kordhin loo sameynayo Hay’adaha Dowladda ee hadda shaqeynaya, kuwaasoo Waqtigooda Dastuuriga ahi ku eg-yahay dhammaadka Sannadkan.

Haddaba; Go’aannada lagu gaary shirkii Wada-tashiga ayaa Waxay kala ahaayeen;

BAARLAMAANKA HOOSE EE DALKA;

  1. Tirada kuraasta Baarlamanka Hoose ee dalka waa 275-kursi.
    2. Xildhibaannada Baarlamaanka hoose waxaa lagu soo xulayaa qaabka 4.5-ka.
    3. Haweenka ka mid noqonaya Baarlamaanka Hoose waa inay qnodaan 30%.
    4. Codeynta iyo tirinta codadka waxay ka dhacayaan meel dhammaan Xarumaha Maamul-goboleedyada dalka oo ay ku jirto Somaliland.

BAARLAMAANKA SARE EE DALKA;

  1. Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa la dhisi doonaa inta aan la dhisin Aqalka Hoose ee baarlamaanka.
    2. Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka, Waxay ka koobaan doonaan 54-xubnood.
    3. 48-xubnood oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka si Simman ayaa loogu Qaybinayaa Dhamaan Maamullada Wadanka ka jira, sida Galmudug, Puntland, Jubbaland, Hiiraan/Shabeelllada Dhexe, Koonfur-gableed iyo Somaliland.
    4. Lixda xubnood ee soo haray waxaa si siman loogu qaybinayaa Puntland iyo Somaliland. Taasoo sabab looga dhigay inta ay dhisanaayeen iyo deegaannadooda oo fara badan.
    5. Ugu yaraan 30% kuraaska Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia waxaa loo qoondeeyay inay haween noqdaan.
    6. Xubnaha Aqalka sare ee baarlamaanka waxaa laga soo dooranayaa dhamaan deegaanada maamulllada federaalka ah ee dalka ka jira.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay inay rajeynayso in Dhamaan Madaxda Maamul-goboleedyada dalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Calaamkuba ay ku qanci doonaan qaabka Doorasho ee lagu heshiiyay, isla markaana halkaas horay looga sii socdo.