AF-SOOMAALI

Shirkii u dambeeyay ee wada-tashiga doorashada Dalka oo Maanta ka furmay Muqdisho


Muqdisho, ayaa Waxaa Maanta ka Furmay Kulankii ugu Dambeeyay ee Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Sanadkan ka dhacaya Soomaaliya, Waxaana furay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan, ayaa waxaa ka qayb-galaya Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka, Waxaa kaloo Goob-joogayaal ka ah wasiirro iyo xubno Beesha Caalamka ka socda.
Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in shirkan uu muhimad gaar ah leeyahay, Maadaama goor-dhaw si Rasmi ah loo Guda-galayo Doorashooyinka Sannadkaan 2016-ka – ka dhacaya Soomaaliya.

“Shirkan wuxuu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha hoggaanka Qaran, ka hor intaan toos loo guda-gelin doorashooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya ka dhacaya. Arrimo badan oo muhiim ah ayaa la doonayaa in aanu ka Wada-hadalno, sida Maal-gelinta Doorashadaan, Amniga iyo imkaaniyaadka kale ee fududeyn kara hawlaha Doorashada Sannadkaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Qodobbada shirkan looga hadlayo, ayaa Waxaa ugu waa-weyn dhameystirka wixii ka haray doorashada iyo tabasho ka timid Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Bishii hore Muqdisho lagu qabtay , kuwaasoo ay ka mid yihiin; xubnaha dheeraadka ah ee Puntland loogu daray aqalka sare ee Baarlamaanka lasoo dhisayo.

Dhanka kale, Shirkaan oo noqonaya kii ugu dambeeyay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aanno lagu wadayo Geeddi-socodka Hanaanka Doorasho ee uu Dalka galayo bilaha soo socda.
Ugu dambeyn, Wararka ku aaddan shirkan ayaa sheegaya in go’aanada kasoo baxa aysan ku fillaan doonin sii wadidda Hannaanka doorashooyinka Somalia, inkastoo Beesha Caalamka ay ku boorisay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya inay doorashadu ku dhacdo waqtigii loo qorsheeyay.