GLOBAL NEWS

Shirkii madasha wadatashiga Qaran oo Baydhabo ka furmay


Shirkii madasha wadatashiga Qaran ee Doorashada Soomaaliya ayaa galabta ka furmay Baydhabo, iyadoo ay ka qayb-galayaan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.

Shirkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee looga tashanayo hannaanka doorashooyinka Dalka ee sannadkan 2016. Waxaana laga filayaa in laga soo saaro qodobo ku aadan xilliaga ay dhici doonaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha,

Qidobbada looga hadlayo shirkaan ayaa waxaa ka mid ah kuwii ay Hoggaamiyeyaasha Soomalisu isku fahmi waayeen shirkii Muqdisho lagu qabtay ee ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan furay Iyadoo Hoggaamiyeyaasha Maamullada dalka ay iyaguna khudbado kala duwan ka jeediyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada iyo xikmadda ka dambeysa dhismaha Madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka ay tahay in la helo nidaam la isla wada oggol yahay, iyadoo laga duulayo mabda’a ah in lagu dhaqaaqo wixii maanta la qaban karo, isla markaana aan gadaal looga laaban hawlaha dib u dhiska siyaasadda Soomaaliya.

“Danta caamka marka la hormariyo ayaa tan gaarka ah la gaari karaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan Soomaaliya horay u dhaqaajino, waddada horumarkana aan u horseedno. Maanta waxaan halkan ku soo gaarney inagoo wadajirna oo aan khilaaf iyo isqabqabsi jirin. Waxaa naga go’an inaanu dalku marnaba gelin marnaansho siyaasadeed, oo aan diyaarino nidaam awoodda dalka la isugu wareejiyo nidaam dimoqraadi ah oo nabadeed’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya laga dhaqan geliyey uu waddanka u horseeday in taako kasta oo dalka ka mid ah maamul uu ka jiro, taasina ay gacan ka geysaneyso sugidda amniga iyo baahinta xukunka.

Waxaa sidoo kale shirka hadalo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Shirkan Baydhabo ka furmay oo ah kii ugu dambeeyay ayaa la filayaa inay Madaxda Soomaalidu Go’aanno Wadajir ah ka soo saaraan.