GLOBAL NEWS

Shirkii Baarlamanka Somalia ee Geedi-socodka Doorashada oo dib loo dhigay iyo Kulamo Socda


Kulankii Baarlamanka Soomaaliya ee ay maanta uga doodi lahaayeen Hannaanka Doorashooyinka 2016-ka, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka uu Xildhibaanada ka dalbaday inay fursad siiyaan shirar u socda Mas’uuliyiinta Madasha Wada-tashiga Qaran.

Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa xildhibaannada Baarlamaanka u sheegay in dib loo dhigay kulanka baarlamaanka muddo laba casho ah, iyadoo Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo kuna heshiiska Doorashooyinka go’aan cad laga gaarayo.

Sidoo kale, Jawaari, ayaa xusay in in Muqdisho ay uga socdaan kulamo Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee Somalia, isla markaana kulammadaas fursad la siiyo, si looga gaaro go’aan qodobbada la isku hayo ee heshiiskan ku jira.

Waxaa la sheegayaa inay madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ay isku hayaan go’aan ay gaareen Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana wax laga beddelo heshiiskii 12-kii bishii Abriil ee sannadkan ay madaxda dalku ku gaareen Muqdisho.

Kulammada haatan Muqdisho uga socda madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada ayaa la sheegay inay uga doodayaan Arrimaha la Xiriirta Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlmaaanka Dalka iyo in Gobolka Banaadir uu Xubno ku yeesho in kale, Waxaana Qodobkaan uu ahaa mid murankiisu jiitamayay xilliyadii u dambeeyay.

Dhanka kale, Guddiga dib u eegista Hanaanka doorashooyinka dalka ee 2016, ayaa horay u Dalbaday in waqti la siiyo, si Arrimahan ay Wada-tashiyo dheeri ah uga yeeshaan, si aanay marka la gaaro xilliga codka loo qaadayo aysan caqabado u yimaan.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa u muuqda mid Waqtigan u xayiran Ansixinta Geeddi-socodka Doorashooyinka Sannadkan 2016-ka, iyadoo Beesha Caalamka ay ka dhur-sugayaan Ansixinta Geeddi-socodka Doorashooyinka Somalia, si loo gudo-galo Arrimaha Doorashooyinka oo ay haatan ka harsan yihiin bilood kooban.