GLOBAL NEWS

Shirka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo furmay iyo Ugaas Fara Cade oo Shir Gudoon loo doortay


Magaalada Qardho ee Gobolka Bari waxaa ka furmay shirka Madasha Wadatashiga Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana shirkan gogoshiisa dhigey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beesha Daarood.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100-Oday dhaqameed oo ka kala yimid dhamaan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale shirkan Qadka Telfoonka kaga qeyb galaya Odayaal kale oo caan ah oo kunool dalka Dibadiisa.

Waxaa Shirkan Dhaqanka Soomaaliyeed u furmay looga hadlayaa nabadeynta iyo walaaleynta bulshada Soomaaliyeed, isku xirnaanta odoyaasha dhaqanka si ay wada jir uga qaybqaataan dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed ay matalaan.

Socodsiinta shirkan inta uu socodo ayaa loo magacaabay shan xubnood oo ah guddi matalaya isimada ku sugan goobta, kuwaasi oo la wareegay howsha shirka isla markaana howshii kala wareegay guddigii qaban-qaabada shirki.

Ugaasyada Howsha Shirka la wareegay ayaa kala matalaya Beelaha Soomaaliyeed ee Shanta ah ,waxaana shir gudoon looga dhigay Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ah Ugaasyada Beesha Hawiye.