AF-SOOMAALI

Shirka golaha xukuumadda Soomaaliya oo si rasmi ah uga furmay Kismaayo


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa shir-guddoomiyey shir hordhac ahaa oo ay Golaha Wasiirada Federaalka iyo Golaha Wasiirada Jubbaland ay ku yeesheen magaalada Kismaayo. Waxana uu sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu booqday dekadda magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirkan ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, xubnaha wasiirada iyo shacabka Jubbaland sida sharafta leh ee loo soo dhoweeyey. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu hordhaca uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah uu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo dhoweeyey Ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo wasiirada Federaalka una sheegey in Jubbaland ay aad ugu faraxsantahay in shirka Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka uu ka qabsoomo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka Golaha Wasiirada ee ka dhacaya Kismaayo uu yahay mid taariikhi ah oo ujeedadiisu tahay in Dowladnimada loo dhoweeyo shacabka deegaanada dalka oo dhan.

Dhanka kale wafdiga Ra’isul wasaaraha ayaa kormeer ku tagey marsadda Kismaayo, xilli ay halkaasi ku suganaayeen maraakiib iyo doomo ganacsi oo laga dajinayay shixnado kala duwan, waxaan ra’isul wasaare Khayre iyo wafdigiisa ay kusoo wareegeen dhamaan qeybaha kala duwan ee Dakadda.

Intii uu ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku sugnaayeen gudaha dakadda ayaa warbixin kooban laga siiyay habka ay u shaqeyso dakadda iyadoona sidoo kale ra’isul wasaaruhu uu indhiisa ku arkay sida ay dekaddu ugu baahan tahay in dib u casriyeyn lagu sameeye, wuxuna tilmaamay in dawladda Soomaaliya ay xooga saari doonto dib u dhiska ilaha dhaqaale ee dalka oo kamid tahay dekadda Kismaayo afarta dekedood ee ugu waaweyn dalkeena.