AF-SOOMAALI

Shir Madaxeedka IGAD oo goor-dhaw ka furmay Muqdisho iyo Madax aan ka Qayb-galayn


Waxaa goor-dhaweyd ka Furmay Muqdisho Shir madaxeedka IGAD oo ay ka qayb-galayaan afar hoggaamiye oo ka tirsan todobada waddan ee xubnaha ka ah ururka, sida Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni, Kenya Uhuru Kenyatta, RW Itoobiya Haile-Mariam Desilegn, madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud oo shirka marti-gelinaya.

Shirka ayaa waxaan ka qayb-galayn Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la sheegay in diyaaraddii sidday ay cilad lasoo daristay ayna Muqdisho dib uga laabatay iyo Madaxweynayaasha Sudan iyo Koonfura Sudan.

Dhanka kale, Dalalka ay hoggaamiyeyaashoodu maqan yihiin ayaa waxaa shirkan ku meteli doona xubno kale, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Hadliye uu sheegay in Al-Bashiir uusan shirka imaanayn oo uu metelayo safiirkiisa Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa looga hadli doonaa ajandayaal ay ka mid yihiin xaalka dalka Koonfurta Suudaan oo ay colaado ka taagan yihiin; Doorashooyinka Somalia ka dhacaya sannadkan iyo qodobbo kale.