GLOBAL NEWS

Shir ku saabsan dooroshooyinka sanadka 2016 oo maanta ka furmaya magaalada Garowe


Shirka looga hadlayo Hiigsiga sanadka 2016 ayaa maanta waxaa uu magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ugaga furmayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu daba socdo shirkii bishii Febraayo ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Garowe ayaa la filayaa in shirkan uu furo, iyadoo looga tashanayo hiigsiga sanadka 2016 oo la rajeynayo in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo. Sidoo kale arrimaha looga hadlayo waxaa ka mid ah dhameystirka maamulada iyo hirgelinta federaalka, waxaana shirka marka uu dhamaado laga soo saarayaa war murtiyeed ku quseeya xaalada Soomaaliya iyo sanadka 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay ka sheegay magaalada Garowe in dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka ka jira ay ka arrinsanayaan sidii looga wada qeyb qaadan lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo in dalka Soomaaliya la garsiiyo isku filnaansho buuxa oo ay dadka oo dhan ku mideysan yihiin.

Shirkii hore ee Muqdisho ka dhacay ayaa ka soo baxay go’aamo la xiriira xoojinta kulamada wadatashiga, hiigsiga 2016, Cahdiga Cusub, isku dhafka ciidammada iyo arrimo kale oo khuseeya qaranimada dalka.

Madaxweynayaasha Maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa goor dhow la filayaa inay gaaraan magaalada Garowe, si ay uga qeyb galaan shirkan oo ah mid hal maalin ah.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay wadooyinka, xaafadaha iyo duleedyada magaalada, waxaana magaalada laga dareemayaa is bedel ka duwan tii ay ku jirtay, maadaama ay marti gelineyso madax kala duwan.