GLOBAL NEWS

Sheekh Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkiisa


Madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isku shaandheyn waxa uu ku sameeyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana xilalka loo kala badalay dhoor wasaaradood .

Isku Shaandheynta Golaha Wasiirada uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa saameesay dhoor wasaaraood oo kala ah wasaaradda gaadiidka iyo warfaafinta, macdanta iyo biyaha, iyo Wasaarada maaliyadda.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Maamulka Jubba Maxamed Aw Yuusuf ayaa loo wareejiyay Macdanta iyo biyaha , halka Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ibraahim Baajuun isna loo badalay Wasaarada Maaliyada.

Cabdinuur Cali Aadan oo ahaa Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha Maamulka Jubba ayaa Wasaaradaasi laga qaaday waxaana loo wareejiyay wasaaradda gaadiidka iyo warfaafinta.

Waa isku shaandheyntii ugu horeesay oo lagu sameeyo Golaha Wasiirada Maamulka Jubba, waxaana Maamulkaasi uu dhawaan yeeshay Baarlamaan inkatoo uu buuq ka dhashay baarlamaankaasi ayna kasoo horjeesteen beelo badan oo dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.