AF-SOOMAALI

Shariif Xassan’’ Waxaan rajeynayaa in aan dalka madaxweyne ka noqdo


Madaxweynaha dowlad gobolleedka K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo wareysi siinayay laanta afka Soomaalida ee VOA-da isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in wali uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyay soo baxay ayaa sheegayay in Shariif Xassan dowlad Itoobiya ka ku qancisay in uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa, hasse ahaatee isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayuu sheegay in
uu wali u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

‘’Maamulka Koonfur galbeed, Baarlamaanka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada K/galbeed ayaa kala tashtay arintan, dhamaantoodna waxey igu dhiiri-galiyeen in aan u tartamo xilkan, sidaa daraadeed
musharax ayaan ahay waxaana rajeynayaa in aan sanadkan dalka madaxweyne ka noqdo‘’ ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Mar wax laga weydiiyay ujeedada socdaalkiisa magaalada Addis Ababa xiligan ayuu sheegay in uu ka yimid dalka Boqortooyada Saudi Arabia, sidaa daraadeed uu hakad ku yahay magaalada Addis Ababa isaga oo intaa ku daray in uu uga sii gudbi doono magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa marar badan oo hore isaga dabalaabtay magaalada Addis Ababa oo ay kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaas, waxaana la leeyahay socdaal
hogaamiyayaasha Soomaalida waa mid qeyb ka ah olalaha doorasho.