GLOBAL NEWS

Shacabka Degmada Afgooye oo ka Dibad-baxay Canshuuro dheeri ah iyo Amni-xumo


Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa dhigay dibadbax ay kaga cabanayaan canshuuro dheeri ah oo laga qaado iyo amni-xumo soo laalaabtay oo degmadaas ka dhacaya.

Bannaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoranaayeen erayo ay ka mid yihiin; ‘Nnabad la’aani waa Nolol la’aan’ iyo canshuuraha dheeraad ah ayaa waddooyinka degmadaas socod ku maray.

Sidoo kale, dibadbaxayaasha ayaa waxay sheegeen inay ka cabanayaan ciidanka dowladda Somalia oo ay sheegeen inay ka qaadaan lacago dheeraad ah oo ay ku sheegeen canshuuro, iyagoo xusay inaysan qaadi karin canshuur dheeraad ah in laga qaado.

Mas’uuliyiin la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in shacabka ku nool Afgooye oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay beeraha laga qaado canshuuro dheeri ah oo aan laga qaadin shacabka degmooyinka kale ee gobolka ku nool.

Dhanka kale, cabashada shacabka Afgooye ayaa waxaa ka mid ahaa inaysan wanaagsanayn buundada degmadaas la isaga gudbo, taasoo aan la dayactiro mudo sanado ah, ayna qarka u saaran tahay inay jabto.

Ugu dambeyn, degmada Afgooye ayaa ah degmo ay sii maraan gaadiidka faraha badan ee isaga goosha gobollada Koonfureed ee dalka iyo Muqdisho, iyadoo maamulka degmadaas ay ka qaadaan lacago aad u fara badan, taasoo aan waxba loogu qaban dadka degmadaas ku nool.