GLOBAL NEWS

Shacab ay Dhaawacyo kasoo Gaareen Madaafiic ku dhacay xaafado ka tirsan Degmada Kismaayo


Illaa Afar qof oo rayid ah oo laba ka mid ah ay carruur yihiin ayay dhaawacyo kasoo gaareen maadaafiic ay xaafado ku yaalla galbeedka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose Al-shabaab xalay kusoo tuureen.

Madaafiicdan ayaa ku dhacay Guryo ay deggenaayeen Dad shacab ah, Waxaana firirkii ka dhashay Madaafiicda ku dhaawacmay laba Carruur ah, halka Guri kale oo uu ku dhacayna ay ku dhaawameen laba nin oo mid kamid ah uu lugta ka gooyay.

Xaafadda ay Madaafiicdii xalay ku dhaceen ayaa ah Xaafadda Via-Afmadow ee Kismaayo, Waana Xaafad ku taal duleedka galbeed ee Magaalada, waxaana dadkii ku Waxyeelloobay duqeyntaas la dhigay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo halkaa oo lagu daweeynayo.

Ma jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland oo Faahfaahino ka bixiyay Madaafiicda Waxyeellada geystay ee xalay lagu soo Tuuray Magaalada Kismaayo.