AF-SOOMAALI

Sawirada: Qaraxii Xoganaa ee lagu weeraray Saldhiga Degmada Waabari ee Muqdisho


Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray saldhiga Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan xoogan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah uu fuliyay qof naftii hure ah, halka warar kalana sheegayaan in uu qaraxu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafka hore ee saldhiga.

In ka badan 5-qof oo isugu jira shacab iyo ciidan ayaa ku dhintay qaraxan xoogan, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan oo ku sugnaa agagaarka Isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho , waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay aheed goob aad u mashquul badneed.

Ciidamkada amaanka gaar ahaan Nabad sugida iyo booliiska ayaa xiray halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana dhaawacyada iyo dadkii ku dhintay qaraxa goobta ka qaaday isbitaaladana geeyay gaadiidka gurmadka dega dega .