GLOBAL NEWS

Safiirkii Somalia u fadhiyay Masar oo Qaahira ku Geeriyooday iyo Taariikhdii Noloshiisa


Danjirhii Somalia u fadhiyay Masar, ahaana ergayga Somalia ee Jaamacadda Carabta Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masra, kaddib xanuun lasoo darsay. waxaanan idiin soo gudbinaynaa Taariikh Nololeedkii Marxuumka oo ku geeriyooday da’da 72-sano jir.

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa wuxuu sidoo kale ahaa dublamaasi isku xira Somalia iyo dalalka Jaamacadda Carabta, isagoo warbaahinta caalamka intooda badan uga warbixin jiray xaaladda ay ku sugan tahay Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa dublamaasiyada Soomaaliya, isagoo Illaahay uga baryay inuu Jannaadiisii Fardowso ka waraabiyo.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. ALLE ha u naxariisto marxuum C/llaahi Xasan Maxamuud wuxuu ka mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa dublamaasiyada Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo u ugu adeegayay Qaranka Soomaaliyeed muddadii aan burburka ku jirnay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa marxuumka uga baryay ALLE inuu naxariistii Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM CABDULLAAHI XASAN MAXAMUUD;

Danjire C/llaahi Xasan intii uusan howlaha dublamaasiyada kusoo biirin, wuxuu sannadkii 1970–kii ahaa macallin dugsiyada sare ee dalka wax ka dhigi jiray, iyadoo sannadkii 1972-kii uu sidoo kale macallin ka noqday Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isla sannadkaas waxaa loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal C/naasir oo ahaa xilligaasi dugsiyada wax lagu barto ee ugu tayada wanaagsanaa dalka.

Sannadihii 1974-kii illaa 1976-kii wuxuuu ahaa isku-duwaha waxbarashada ee gobolada Mudug iyo Banaadir iyo weliba xog-hayihii guud ee iskuullada waxbarashada ee Somalia oo dhan.

Sannadkii 1981–kii waxaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweyihii Somalia ee Arrimaha Jabhadaha.

Marxuum C/llaahi Xasan wuxuu ka qaatay darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira ee sannadkii 1969-kii.

Danjiraha wuxuu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda sannadkii 1987-kii, xilligaas oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya ee waddanka Al-jeeriya. Sannadkii 1990-kii ayaa la bedelay isagoo loo magacaabay safiirka Somalia ee dalka Masar, ahna ergeyga joogtada ee Soomaaliya uga wakiilka ah Jaamacadda Carabta, xilkaasoo uu hayay illaa maanta oo uu geeriyooday.

Allah u naxariisto, maxuumku wuxuu ku matalayay kulamada ururka Jaamacada Carabta magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25-sannadood, isagoo Shir-guddoomiyay fadhigii heerka wasiir arrimo dibadeed ee Jaamacadda Carabta, kulankiisii 123-aad ee qabsoomay bishii Maarso ee sannadkii 2000.

Sannadkii 1996-kii, wuxuu ku fariistay kursiga shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira oo ku hadlayay magaca madaxdii Somalia ee xilligaas.

Mudadii Qaran burburka dalku ka jiray, danjire C/llaahi Xasan Maxamuud wuxuu ka qayb-galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay ee lagu kala qabtay magaalooyinka Qaahira, Addis Ababa iyo Carta, xubinnimo baarlamaan oo loo doortay intii uu socday shirkii Carta-Jabuuti sannadkii 2000 ayuu ka tanaasulay.

Ugu dambeyn, marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ku dhashay degmada Iimeey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sanadkii 1943-kii; wuxuuna ifka uga tagay laba Xaas iyo siddeed carruur ah oo kala ah lix Wiil iyo laba Gabadhood; iyo toddoba carruur ah oo ay sii dhaleen.