AF-SOOMAALI

Safiirkii hore ee Mareykanka oo weerar culus ku qaaday DF, digniin adag-na u diray


Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu ku eedeeyey inay xasillooni darro ka abuurtay dalka.

Stephen Schwartz, oo ka jawaabay qoraalkii safaaradda Mareykanka ay madaxweyne Farmaajo uga codsatay inuu la hadlo madaxda maamul goboleedyada, ayaa barta bulshada ee LinkedIn ku qoray in guul-darrada kaliya ee dowladda federaalka ay tahay sida ay ula dhaqanto maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in intii ay dalka ku maamuli lahayd si wada-shaqeyn ah, ay taa beddlelkeeda dowladda waxyeeleysay oo dhinac kasta ay isaga indho-tirtay maamul goboleedyada.

“Hanaankan aragtida gaaban ee fashilka ah, wuxuu xasillooni darro ku keenay inta badan dalka, wuxuuna kasii daray xiisadaha caalamiga ah, isaga oo wiiqay dadaalkii lagula dagaalayey Al-Shabaab,” ayuu yiri Stephen Schwartz.

Ad by Valueimpression

Schwartz ayaa ka digay in haddii dowladda aysan la shaqeyn dowlad goboleedyada ay weyn karto taageerada beesha caalamka.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay u baahan tahay inay la shaqeyso dowldaha xubnaha ka ah federaalka, ayada oo ugu faa’iideydeyneysa shacabka Soomaaliyeed, haddii kale waxa halis ugu jirtaa in lagala laabto taageerada beesha caalamka iyo qurobo-joogta,” ayuu yiri.

Hadalka Stephen Schwartz ayaa ku darsamaya cadaadis weyn oo toddobaadkan koray dowladda federaalka, ayada oo dowladda Mareykanka ay si shaacsan dowladda ula hadashay kadib markii sida la sheegay in lagal quustay in si hoose wax looga dhaadhiciyo.

Dowladda Mareykanka ayaa war-saxaafaded cusub oo ay kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay dowladda federaalka ugu baaqday inay si deg deg ah u abaabusho kulan ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka.

“Dastuurka ku-meel garaka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa saldhig u ah mabda’a wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah; qodobka 51(30), ayaa dhigaya in madaxweynayaasha ay ugu yaraan hal mar kulmaan sanadkiiba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Stephen Schwartz ayaa June 2016 noqday safiirkii ugu horreeyey ee Mareykanka ee Soomaaliya loo diro muddo ka badan 25 sano, wuxuuna xilkaas iska casilay bishii September 2017.