AF-SOOMAALI

Safiirada Somalia ee Pakistan oo la kulantay Wasiirrada Waxbarashada iyo Caafimaadka


Safiirada Somalia u fadhida dalka Pakistan Khadijo Maxameed Al-makhtuumi, ayaa la Kulantay Wasiirrada Waxbarashada iyo Caafimaadka ee Waddanka Pakistan, kuwaasoo ay kala hadashay arrimo fara badan oo muhiimad gaara ah u leh labada waddan.

Danjire Khadija oo kulanka koowaad la qadatay Wasiirka Waxbarshada, Muhamad Baligh-u-Rehman ayaa waxyaabihii laba dhinac ay isla soo qaadeen waxaa ka mid ahaa; Hormarinta xiriirka labada dal, dib u soo nooleynta heshiiskii waxbarashada ee Somalia iyo Pakistan ay gaareen muddo laga joojo 30-sannadood, Tayeynta iyo joogtaynta xiriirka iyo iskaashiga Waxbarasho ee ka dhexeeya Wasaaradaha Wax-barashada ee Somalia Pakistan iyo Kordhinta Deeqaha Waxbarasho ee Pakistan ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Wafdi ka socda laanta Tacliinta sare ee Dalka Pkistan ee loo yaqaano (HEC) iyo Xog-hayaha koobaad ee safaaradda Soomaaliya ee Islamabad, C/llaahi Xaaji Daa’uud, waxaana intii uu socday wasiirka waxbarashada Pakistan uu ammanay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan wax-ka-barata, isagoo sidoo kale soo dhaweeyay Dalabka ah in Xuukumadda Bakistaan ay kordhiso Deeqaha Waxbarasho ee ay siiso Soomaaliya.

Sidoo kale, Danjire Khadija ayaa kulan la qaadatay Wasiiradda Caafimaadka Pakistan, Saira Afzal, waxayna ka wada-hadaleen xiriirka Dhanka Caafimaadka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo danjiruhu ay ka dalbatay wasiiradda in ardayda Soomaaliyeed lasiiyo tababar dhanka caafimaadka ah marka ay soo gaba-gabeeyaan waxbarashada.

Kulanka dhex-maray Safiiradda Somalia iyo wasiirrada Bakistaan, ayaa ahmiyad gaar ah u leh labada waddan, waxaana Wasiirada Pakistan ay xuseen inay mar walba ku faraxsan yihiin soona dhaweynayaan ardayda Soomaaliyeed ee wax barashada u taga dalka Pakistan iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada waddan.

Ugu dambeyn, Dalka Pakistan waxaa wax ka barta Boqolaal arday oo Somaaliyeed kuwaasoo barta noocyada kala duwan ee Cilmiga sida; Caafimaadka, Dhaqaalaha, Xiriirrada Caalamiga ah, Siyaasadda iyo kuwo kale.