GLOBAL NEWS

Safarkii ay Baydhabo ku tageen Madaxweynaha iyo Wafdi la Socday


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa shalay booqasho ku tagay, Baydhabo isagoo ugu baaqay bulshada, madaxda, odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee maamulka Koonfuur-galbeed inay ka shaqeeyaan fududeynta sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha baarlamaanka iyo baahinta xukunka.

Xasan Shiikh oo booqasho maalin ah ku taagy degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa hadal uu jeediyay mar uu kulan la qaatey qaybaha kala duwan ee bulshada wuxuu aad uga hadlay xulista xildhibaannada baarlamaanka maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed.

“Maamulka KMG Koonfuur-galbeed Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka waxay qabteen hawl-wanaagsan, balse waxaad ogaataan in waqtiga aan haysano uu aad u yar yahay, la idinkana doonayo inaad dhameystirtaan dhismaha baarlamaanka, kaddibna loo gudbo in degmooyinka iyo tuulooyinka iyaguna fursad loo siiyo inay soo doortaan xubnihii madaxda ama wakiilada u noqon lahaa,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa khudbaddiisa ku xusay in dowladda Somalia iyo maamullada ka jira dalka ay wadajir uga shaqeynayaan qaabka ugu haboon ee loo dejinayo qorshaha siyaasadda iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska dalka iyo dhameystirka hanaanka dowladnimada, wuxuuna intaas ku daray in doorka odayaasha uu sii jiri doono tan iyo inta dalka looga dhaqan-gelinayo nidaam dimuqraadiyadeed oo dhameystiran, qof walbana uu xaq u yeesho inuu codkiisa dhiibto.