AF-SOOMAALI

Saddex ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo la doortay


Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee golaha Shacabka.

Mudanayaasha ayaa Guddiyada ku doortay kullan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalladda Muqdisho.

Kullankii ay yeesheen Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad .

Guddiyada la doortay ayaa gaaray ilaa saddex guddi iyo ku-xigeenadooda.

1- Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga.

2- Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka.

3- Xildhibaan Malaaq Dhaayow ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha.

Doorashadii shalay oo khamiis ahayd dhacday ayaa la sheegay in bilow ay u tahay dhismaha Guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ee Baarlamaanka.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in la dhameestiro dhamaan guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.