AF-SOOMAALI

RW Soomaaliya oo ka Hor-yimid Go’aankii kasoo baxay Guddiga Hir-gelinta Doorashada Dadban


Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray Maanta ku sheegay in Go’aan kagaaarida Goobta lagu Qabanayo Doorashooyinka Xildhibaannada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay tahay mid Dowladda FS u taalla, Guddiga Doorashadda Dadbanna looga bahan yahay inay wadatashi la yeeshaan Isimada ugu jira gobolladan odayaasha 135-ta, dabadeedna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya natiijada wadatashiga kasoo baxda ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee gobolladaas.

“Go’aan kagaarida halka lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada Gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe waa mid u Taalla Dowladda Federaalka Somalia,“ ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaan u Mahad-celinayaa oo aan bogaadinayaa Hawsha wanaagsan ee ay wadaan guddiga doorashada 2016-ka, laakiinse waxaan rabaa inaan faro oo aan u caddeeyo Guddiga inay ilaaliyaan go’anadii lagu gaaray madasha hoggaamiyaasha Qaranka ee dalka oo lagu cadeeyay in go’aan-ka-gaarida goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaannada ka imaanaya Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo ahayd mid u taalla Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale, RW Xukuumadda Somalia ayaa ku booriyey Guddiga Doorashooyinka in ay Wadatashi la yeeshaan Odayaasha-dhaqanka ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ugu jira 135-ta oday uguna tagaan meel kasta oo ay joogaan, isla markaana ay Dowladda Federaalka ah u soo Gudbiyaan Natiijada kasoo baxda wada-tashigaas sidii horay loogu heshiiyay.

Ugu dabmeyntii, Hadalka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kasoo Hor-jeestay go’aanka guddiga Doorashada ee arrintan ku saabsan.