GLOBAL NEWS

RW Somalia oo soo Gunaanaday booqasho uu ku tagay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab


Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arka iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa soo gunaanaday booqasho maalin ahayd oo ay ku tageen Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee ku yaalla gobalka Waqooyi-bari ee Kenya.

Sharmar’arke ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay afar wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa oo kala ah; Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa). Wasiirka difaaca, C/qaadir Sheekh Cali Diini. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah. C/raxmaan Sh. Yuusuf Cali Caynte. Wasiirka dhallinyaradda iyo cayaaraha Maxamed Xasan Nuux. guddoomiyaha hay’adda qoxootiga qaranka Somalia, Axmed Nuur iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Sidoo kale, waxaa wafdiga ka mid ahaa madaxda hay’adda qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR. xildhibaanno ka kala tirsan baarlamaannada Somalia iyo Kenya iyo waliba Mas’uuliyiinta safaaradda Somalia ee Kenya, iyadoo wafdigan uu Dhadhaab kusoo dhaweyay danjire Maxamuud Cali Saalax oo ah isku-duwaha dhanka ammaanka ee gobalka Waqooyi-bari – Kenya.

Wafdiga ayaa intii ay Dhadhaab ku sugnaayeen waxay booqdeen goobo ay ka mid ahaayeen xarunta ay iska-diiwaan galiyaan dadka rabo inay iskood dib u noqdaan Somalia oo ku taalla xerada IFO 2, dugsiga sare ee Nasiib iyo isbitaalka guud ee xeradaas, iyadoo ra’iisal wasaaruhu warbixino kooban ka dhageystay hor-joogayaasha xeryaha Dhadhaab.

Danjire Maxamed Cali Saalax oo ah madaxa amniga gobalkaas, ayaa wafdiga uga warbixiyay amniga deegannadaas, wuxuuna ku ammaanay madaxda dowladda Somalia booqashada ay maanta ku tageen xerooyinkaas.

Ra’iisal wasaaraha Somalia ayaa ugu baaqay qoxootiga Soomaaliyeed inay dib ugu noqdaan dalkooda, iyadoo madaxweynaha maamulka Jubbaland oo deegaannadiisu ay ka mid yihiin meelaha la rabo in lagu celiyo qoxootiga Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaarinayaan meelihii dadkaas la dajin lahaa.

Ugu dambeyn, intii u dhaxeysay bilihii December 2014-kii illaa Juun 2015-ka ayaa waxaa Soomaaliya dib ugu laabtay qoxooti tiradoodu gaarayso 5,485 oo qof, kuwaasoo ka mid ahaa qoxootigii ku noolaa xeryaha Dhadhaab-Kenya.