GLOBAL NEWS

RW Somalia oo rajo ka muujiyay dib u howl-gelinta xawaaladihii ay Kenya axyirtay (Sawirro)


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan dalka Kenya ayaa kala hadlay madaxda Kenya sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha xawaaladaha ee ay dhawaan xayiraadda kusoo rogeen.

Wakaallada wararka ee Reuters ayaa daabacday in RW Sharma’arke uu ku saaray cadaadis dowladda Kenya sidii loogu fasixi lahaa shirkadihii ay horay u xayireen howlahooda shaqo, isagoo rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu furi lahaa Xawaaladaha ka howlgala Nairobi.

“Kenya waxay ka shaqeynaysaa sharciyo cusub kuwaasoo Xawaaladaha ay ugu ogolaan lahaayeen howlahooda, bankiga dhexe ee dalka Kenya ayaana arrintan hormuud ka ah,” ayuu yiri RW Sharma’arke oo la hadlayay Reuters.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in tallaabooyin ku KMG ah la sameynayo, iyadoo ay xigi doonaan in la sameeyo sharciyo joogta ah, balse ma uusan caddeyn xilliga rasmiga ah ee shirkadaha Xawaaladaha la fasaxayo.