GLOBAL NEWS

RW Somalia iyo Wafdigiisii oo Gaaray Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe


RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Puntland, ku xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhaweynta RW Somalia iyo wafdigiisa kaddib ayaa wuxuu war-fidiyeenka u sheegay madaxweynaha Puntland, C/weli Cali Gaas in booqashada RW Cumar ay salka ku hayso sidii xal looga gaari lahaa shaqaaqooyinkii magaalada Gaalkacyo ka dhacay toddobaadkan.

C/weli Gaas ayaa intaa raaciyay in dagaalkii Gaalkacyo uu salka ku hayo waddo ka mid ah Puntland oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo magaalada; taasoo uu sheegay in aysan ahayn arrin mudan in dhibaato laga abuuro.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland, shacabkeeda iyo madaxdeeda dhaqanka ay weli diyaar u yihiin daris-wanaag iyo in nabad-galyo ah loogu wada-noolaado magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhanka kale, RW Somalia ayaa isagana la hadlay warbaahinta, isagoo uga mahad-celiyay madaxda iyo shacabka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna xusay inay u yimaadeen Garoowe sidii xal looga gaari lahaa gacan-ka-hadalkii xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ka dhacay dhawaan.

“Booqashadeenna Garoowe waxay qayb ka tahay sidii xal loogu heli lahaa dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaan soo marnay degmada Cadaado, halkaasoo aan ku kulannay xubno kala duwan ayna isku waafaqeen in xal dhaqso ah laga gaaro shaqaaqadii Gaalkacyo ka dhacday,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa sii maray Cadaado intii uusan tegin Garoowe; waxaana safarkiisan uu imaanayaa iyadoo shalay maamulka Puntland ay is-hor-taageen booqasho uu RW Sharma’arke iyo wafdi uu horkacayo ku tegi lahaayeen magaalada Gaalkacyo.