GLOBAL NEWS

RW Somalia iyo Wafdi uu Horkacayo oo Maanta u dhoofay Cadaado, Garoowe iyo Gaalkacayo


Wafdi uu hoggaaminayo RW Somalia ayaa maanta u ambabaxay magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Cadaado, si xal looga gaaro dagaallo dhawaan ciidanka maamullada Puntlandi yo Galmudug ku dhexmaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

RW Somalia oo Puntland ay shalay ka horjoogsatay inuu tago Gaalkacyo ayaa la sheegay in maanta ay ogolaadeen, kaddib dadaallo lagu bixiyay inaanay hor-is-taag ku sameyn socdaalka ra’iisul wasaaraha Somalia.

Xubnaha wafdiga RW Somalia ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo xildhibaano; waxaana inta ay socdaalka ku maqan yihiin lagu wadaa inay kulammo la qaataan wax-garadka iyo mas’uuliyiinta deegaannada Galmudug iyo Puntland.

Inkastoo RW Somalia iyo wafdigiisa aysan la hadlin warbaahinta ayaa haddana waxaa lagu wadaa in marka ay tagaan Gaalkacyo ay ka warbixiyaan safarkooda iyo waxay doonayaan inay ka qabtaan colaadda Gaalkacyo ka taagan.

Wixii kasoo kordha safarka RW Somalia iyo wafdigiisa ay ugu ambabaxeen Cadaado, Garoowe iyo Gaalkacyo waxaad kula socon doontaan wararka soo socda HOL haddii ALLE ogolaado.