AF-SOOMAALI

RW Khayre oo boqolaal shacab ah Salaada Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga


Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa saaka dadweyne boqolaal gaaraya salaadii ciidul adxaa kula tukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Tukashada salaada ciida ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada iyo masuuliyin kale, waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka masaajidka Isbaheysiga.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa xiray wadooyinka soo gala Masaajidka Isbaheysiga illaa xarunta madaxtooyada dalka oo masaafo gaaban isku jira.

Sidoo kale, ciidamada nabad sugida ayaa dhowr meelood oo masaajidka isbaheysiga banaankiisa ah si adag ugu baarayey dadweynaha ku qulqulayey gudaha masaajidka, waxaana sidoo kale hareeraha masaajidka ilaalo adag ka hayey ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Xafiisk