AF-SOOMAALI

Robert Mugabe wu iscasilay


Xisbiga talada haya ee Zanu-PF ayaa mooshin xil ka qaadis ah ka keenay 93-jirka Zimbabwe Robert Mugabe, kaasoo wali diidan inuu xilka ka dego, iyadoo ay shalay ku ekeyd mudada laga codsaday inuu isku casilo.

Mudanayaal ka tirsan Xisbiga Zanu-PF ayaa sheegay in ay diyaariyeen mooshinka laga keenay Mugabe, oo lagu wado in maalmaha soo socda la hor-geeyo Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Zimbabwe.

Kaliya mooshinka laga keenay Robert Mugabe waxaa uu sharci ku noqon karaa in saddex meelood labo meel ay u codeyso oo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Zimbabwe.

Mr Mnangagwa oo ay saaxibo dhow ahaayeen isaga iyo Mugabe ayaa ka maqan dalka, waxaa uu ahaa ninka sababta u ahaa Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Zimbabwe ee aakhirkii ay soo fara geliyeen Milateriga, markii xil ka qaadis lagu sameeyay.

Dadaalo la doonayo in Robert Mugabe lagu qanciyo inuu xilka isaga dego ayaa wali socda, iyadoo uu dadaaladan ku soo biiray Madaxweynihii hore ee Zambia Kenneth Kaunda oo saaxibo dhow yihiin Mr Mugabe.

Mugabe ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya xubnaha Xisbigiisa, Saraakiisha Milateriga iyo shacabka reer Zimbabwe oo doonaya inuu xilka ka dego.