AF-SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh iyo sidii loo sii wadi lahaa cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya labada bulsho.

“Soomaaliya iyo Sudan waa laba dal oo walaalo ah, wax badana ay ka dhexeeyaan, xiriirkooduna uu yahay mid qotada dheer oo mar walba wanaagsan. Suudaan waxay naga taageertay hadana ay diyaar u tahay, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska iyo amniga. Ayuu yiri R.W Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa ballan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.
Shirka madaxda urur-gobolleedka IGAD ayaa qodobada sanadkan looga hadlay waxaa kamid ah xiisadaha ka taagan dalka Koonfurta Sudan oo si aad ah u sii darsanaya.

Dhammaan Madaxdii Shirkii IGAD ka hadashay waxaa ay tilmaameem inaysan habooneyn in indhaha laga qarsado dhibaatada ay geysanayaan Mucaaradka.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.