AF-SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera


Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli ra’iisul wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka dowladda uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci darro ah.

“Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa midka ku cad, midka ay soo saartay wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, heshiis walba la galayo oo masiiri ah, deked ha ahaato ama kheyraad dalka meel walba oo ay tahay waxaa u igman kaliya dowladda federaalka, ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka, waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maalgashadaan waa soo dhoweyneynaa, laakiin waa inay soo maraan daqriiqa dhabta hey’adaha dastuuriga”ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha oo si geesinimo leh uga hadlay go’aanka dowladda ee ku aadan heshiiska dekedda Berbera.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkad walba oo aan soo marin dariiqa sharciga ee ku soo xadgudba dalka ay la tiigsanayaan sharciga, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin.