AF-SOOMAALI

Ra’iisal wasaare Soomaaliya oo xilka ka qaaday Wasiirkii Waxbarashada


Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cali Khayre maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada looga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu xilka wasaaradda si KMG u soo heyn doono Wasiiru- dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta u akhriyay wareegtada xil ka qaadista.

Xil ka qaadista ayaa imaneysa xili maalintii shalay Wasiirka uu ka sheegay warbaahinta in uusan aqoonsaneyn dhamaan Jaamacadaha dalka oo ay ku jirto xitaa Jaaamacada Ummadda Soomaaliyeed.