AF-SOOMAALI

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Addis Ababa


Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo galinkii danbe ee maanta ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la leh ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madax ka tirsan midowga Africa oo ay ka wada hadlayaan arimo muhiim u ah gobalka iyo guud ahaan qaaradda Africa.

Socdaalka ra’iisal wasaare Kheyre ee Addis Ababa ayaa labadii cisho ee la soo dhaafayba siweyn loo hadal hayay, waxaana la filayaa arrimaha uu la soo qaadi doono madaxda Itoobiya in ay ka mid noqon doonto arinta heshiiskii Imaaraadka ee dekedda Berbera oo Itoobiya ay ku laheyd saamidhan 19%, waxaana heshiiskaa ka horyimid dowladda Soomaaliya.