AF-SOOMAALI

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo xarigga ka jaray saldhigga military ee Turkigu ka dhisay Muqdisho


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Taliyaha Ciidanka Milateriga Dowlada Turkiga Gen. Halusi Akar ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray Saldhiga Milatari ee Turkiga ka dhisay Muqdisho.

Munaasabad lagu qabtay Dhismaha Saldhiga Milatari ee Turkiga ka dhisay Deegaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo madax kale.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhismaha Saldhigan Milatari ee Soomaaliya ka hirgaliyeyn, waxa uuna sheegay in dhankooda ka shaqeyn doonaan sidii uu saldhigaasi u noqon lahaa mid guuleesta oo laga faa’iideesto.

Waxa uu kula dar daarmay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Ciidanka iyo Saraakiisha saldhigaasi lagu tababari doono in ay noqdaan Ciidan Qaran balse aysan noqon ciidan kooxeed io kuwa Qabiil.

Ugu Damben Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, iyo Taliyaha Milatariga dalka Turkiga ayaa si rasmi ah xariga uga wada jaray Saldhigan Cusub ee lagu tababari doono saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed.

Saldhigan Milatari ee maanta xariga laga jaray ayaa noqonaya Saldhiga ugu weyn ee Dowlada Turkiga ka dhisato meel ka baxsan dalkeeda, waxaana dhismaha Saldhigan oo si casri ah loo dhisya ku baxday malaayiin Dollar.