GLOBAL NEWS

Qurbo-joog magaalada Baydhabo ka furtay xafiis maalgashan doona beeraha G/Bay (SAWIRRO)


Hay’ad lagu magacaabo BAFOF ayaa waxay maanta xafiis ka furteen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay; iyagoo ku dhawaaqay inay maal-gelin ka sameynayaan wax-soo-saarka Koonfurta Soomaaliya, waxayna intaas ku dareen inay keeni doonaa qalab fudadeynaya wax-soo-saarka beeraha, sida makiinadaha casriga ah.

Furitaanka xafiiskan ayaa waxaa ka hadlay Qurbo-joog ku sugnayd Baydhabo oo ay ka mid yihiin; Muxyadiin Sh. Cumar iyo Maxamed Mukhtaar, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen guddiga beeraleyda gobalka Bay iyo Waxgaradka Baydhabo.

Maxamed Aadan Qalinle iyo C/qaadir Nuur Abuu oo goobta ka hadlay ayaa sheegeen in loo baahan yahay maal-gelin dhinaca wax-soo-saarka laga hir-geliyo magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa isna hadlay wakiilka hay’adda BAFOF, Idriss Cabdi Axmed oo sheegay howlaha ay qaban doonaan ay ka mid yihiin; kobcinta beeraha iyo soo saarista malabka; wuxuuna intaa ku daray inay sidoo kale wax ka qaban doonaan dhinacyada kaluumeysiga iyo xannaaneynta digaagga, looguna iib-geyn lahaa suuqyada caalamka.

Gobalka Bay ayaa dhawaan waxaa kusoo kordhiyaya Qurbo-joogta doonaysa inay maal-gashtaan dalkooda, kuwaasoo sameystay beero aad u waa-weyn oo soo saara khudradda, geed-miroodyo iyo xanaaneyta Shinnida si ay u soo saaraan malab saafi ah.