GLOBAL NEWS

Qoxootigii ugu Badnaa ee kasoo Carara Colaada Yemen oo Maanta Gaaray Boosaaso (SAWIRRO)


Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa Waxaa maanta soo gaaray dooni sidday Qoxooti Soomaaliyeed oo Yemen ka soo cararay, iyadoo qaarkood oo xanuunno kala duwan qabay isbitaallada loo qaaday si loo daweeyo.

Qoxootigan oo maanta gaaray Boosaaso oo Tiradoodu ahayd 1,723 ruux oo kala ahaa; 763 oo caruur ah, 581 oo Haween ah iyo 379 oo Rag ah ayaa waxaa ka muuqday diif iyo daal, kuwaasoo kasoo kala waxay magaalooyinka Sanca, Cadan, Ticish iyo Mukallah.

pomnj

Xukuumadda Puntland oo Kaashanaysa Shacabka ku Nool Boosaaso ayaa kawada Qayb-qaadanayay wax u qabashada Qoxootigan kasoo cararay Yemen, iyadoo markii doonnida laga soo dajiiyay la siiyay biyo iyo cunnooyin.

Sidoo kale, Qoxootigan ayaa loo gudbiyay xerada Qoxootiga ee Boosaaso ay ka hirgeliysay Puntland, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo saxaafada la hadlay ay sheegeen in Qoxootigan qaarkood ay u dhiibeen shacabka ku nool Boosaaso si ay hoy iyo cunno u siiyaan.

“Arrinta Qoxootiga waxay u muuqataa mid faraha ka baxday, waxaana doonaynaa in gacan laga geysto dajirnta iyo wax u qabashada Qoxootiga kasoo cararaya colaadaha Yemen ka socda, waayo Puntland awood uma lahan inay daboosho baahida Qoxootigu ay Qabaan,” ayuu Warbaahinta u Sheegay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdullaahi Qoob-deero.

Dhanka kale, Qoxootiga maanta soo gaaray Boosaaso oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan lasoo kulmeen intii ay ku soo jireen badda, iyadoo qaarkood ay sheegeen in tobaneeyo qof ay ku dhex-dhinteen doonida.

“Waxaan doonaynaa in naloo taliyo, waayo dhibaatooyin badan ayaan soo marnay, waxaan Todobaadyo ku sugnayn Dekedda Mukallah, inatii doonida aan soo saarnayna dhibaatooyin kale ayaan lasoo kulannay,” ayuu warbaahinta u sheegay oday Qoxootiga dalka Yemen ka soo cararay, isagoo intaas ku daray in dowladda federaalka Somalia uu hadalkeedu yahay mid aan caddeyn oo labac-labac ah.

Laylo Maxamed Maxamuud oo ka mid ahayd Qoxootiga maanta soo gaaray Boosaaso ayaa iyaduna warbaahinta u sheegtay in xaaladda Yemen ay aad u Xumaatay, iyadoo sheegtay in ay ku noolayd magaalada Sanca halkaas oo habeen iyo maalinba lagu duqeyn jiray.

“Maalin walba waxaan fayl u galaynay shan xabo oo Muufo ah si aan aniga iyo caruurteyda ugu noolaano, biyo ma jiraan, guryaha ayaan ku Xirnayn; duqeyntuna waxay ahayd habeen iyo maalin, waxaan go’aannsahay inaan dib ugu soo laabanno dalkenna,” ayay tiri Laylo.

Ugu dambeyn, Maryan Aadan Cadde oo iyana sheegtay inay ku noolayd magaalada Cadan ayaa xustay inay kasoo carartay deegaanka Basaatiin oo ay sheegtay inay tahay meesha ay Xuuthiyiinta iyo dowladdu dagaallada ugu culus ku dhexmaraan.

Si kastaba ha ahaatee, Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in Qoxootiga soo gaaray maanta degmada Boosaaso ay yihiin kuwii ugu badnaa ee Puntland soo gaara, ayna ku jiraan dad u dhashay Itoobiya iyo Yemen.