GLOBAL NEWS

Qodobbadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga ee lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho


Kulan saddex Maalmood ka socday Villa Somalia oo ay isagu yimaadeen Madaxwaynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Madaxweynaha Jubbaland, iyo Madaxweynaha Galmuudg ayaa Gellinkii dambe ee Maanta lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho, iyadoo laga soo saaray Qodobbo dhowr ah.

Madaxda oo ka Ambaqaadaysa Qorshe Howlleedkii Shirkii Wadatashiga Heerka Sare ee (HPLF) ee ka dhacay Muqdisho Bishii July, 2015-kii ee ay madaxdu isla ogolaadeen in ay daah-furaan Madasha Wadatashiga Qaran. Madashaasoo kulankeeda ugu horreeya yeelan doonta 14-ka Bisha Oktoobar ee soo socota ayaa looga Wadahadli doonaa Qaabka ugu Habboon ee sanadka 2016-ka dalka looga hirgelin karo doorasho ku dhacda jawi nabadoon oo hufan.

Sidoo kale, Madaxdu waxay mar kale isla aqbaleen sida ay uga go’an tahay meel-marinta Wadatashi Dimuqraadi ah, Daah-furan, Loona dhan yahay, isla markaana ku salaysan Mabaadi’da Hagaysa iyo Qorshe Hawleedkii la isku raacay Shirkii Wadatashiga Heerka sare ee ka dhacay Muqdisho 29-kii illaa 30-kii July ee sannadkan 2015-ka.

Iyadoo la Tixraacayo labadaas Qoraal ayay Madaxdu isku raaceen in la sameeyo Qaab-dhismeedka iyo Waajibaad Howleedka ee Madasha Wadatashiga Qaran.

Madasha ayaa kulminaysa Madaxda Federaalka, kuwab maamul-Gobolleedyada, Wakiilo ka socda Baarlamaanka Federaalka, Xubno Matalaya Gobollada aan weli loo dhisin maamullada iyo kuwo matalaya Bulshada Rayidka ah. Sidoo kalena waxay Madashu yeelan doontaa guddi hawleed iyo guddi farsamo oo hoos imaan doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Labadaan Guddi Waxay diyaarin doonaan Qorshe-tilmaameed ka hor Waqtiga Shirka, kaasoo tilmaan ka bixin doona habka Wadatashiga Qaran u dhaci doono iyo Hannaanka loo kala dooran doono Qaabka ugu habboon ee Doorashada 2016-ka lagu qaban karo.

Marka uu shirweynaha Madasha wadatashiga Qaran meel-mariyo, waxay guddi hawleedku kulamo wadatashi la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada Dalka oo idil Bilaha Oktoobar iyo Nofeember ee Sannadkan.

Waxay kaloo madaxdu isla garteen in shir-weynaha Madasha Wadatashiga Qaran mar kale la qabto bisha December, 2015-ka, si uu dib u eegis ugu sameeyo wixii kasoo baxay Wada-tashiyada Dadweynaha. Kulankaas waxay Madashu isku raaci doontaa Hannaanka ugu habboon ee kasoo baxay kulamadii wadatashiyada ahaa ee dalka doorasha uga dhici karto 2016-ka. Waxaa kaloo Madaxdu isla Meel-dhigeen in Hannaanka Doorasho ee la isku raaco ay Hay’adaha Federaalka ee ay khuseyso sharci ku meel-marin doonaan ugu dambeyn bisha Jannaayo 2016-ka.

Dhanka kale, Waxay madaxdu go’aamiyeen in Mudnaan Gaar ah la siin doono haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay si kaalin muuqata ay ugu yeeshaan habsami u socodka hawlaha Madasha wadatashiga. Waxaa kaloo la garawsaday in natiijada kasoo baxda Wadatashiga Madasha ay noqoto mid dadka Soomaaliyeed wada-matesha kana turjunta rabitaanka iyo yididiilada shacab ee hannaan doorasho loo dhan yahay, daah-furan lagana wada qaybgalo.

Ugu dambeyn, Furitaanka Madasha Waxaa Goobjoog ka ahaa Wakiillo ka Socda Beesha Caalamka. Madaxda Qaranku waxay ku boorriyeen Beesha Caalamka in ay gacan weyn ka gaystaan Hawlaha Madasha Wadatashiga Qaran, Gaar ahaan wixii farsamo iyo talo-bixin ah.