GLOBAL NEWS

QM oo sheegtay in fatahaado Somalia ka dhacay ay saameyn ku yeesheen 90,000 oo Soomaali


Hay’adda UN-OCHA ayaa sheegtay in 90,000 qof oo Somali ah ay saameyn ku yeesheen daadad ka dhacay qaybo ka mid ah Somalia, kuwaasoo deegaannadoodii ka barakaciyay 42,000 oo qof oo ka mid ah dadkan.

Roobab xooggan ayaa sannadkan ka dhacay deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo sababay inay webiyada Shabeelle iyo Jubba fatahaado ka sameeyaan deegaannada ay maraan.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in sannadkan uu heer-kulka ka gudbay sidii caadiga ahayd, gaar ahaan marka la eego badweynta Hindiya. Somalia ayaa la sheegay in xilligan uu ka jiro diirimaad lala yaabay, kaasoo ah mid aan weligiis lagu arag.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in Somalia laga cabsi-qabo inay ku dhuftaan roobabka duufaannada wata ee El Niño, kuwaasoo laga cabsanayo inay saameyn xooggan ku yeeshaan dadka ku nool deegaannada ay webiyadu maraan.

Ugu dambeyn, xukuumadda Somalia ayaa dhawaan guddiu saartay ka hortagga saameynta ay yeelan karaan roobabka El Niño, kuwaasoo hay’adaha gargaarka ugu baaqay inay gacan ka geystaan caawinta dadka ay saameyn ku yeelato El Niño.