AF-SOOMAALI

Qaxooti Soomaali ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday Xeebta Yaman


Wararka ka imanaya dalka Yaman ayaa sheegaya geerida in ka badan 30 qof oo qaxooti Soomaali ah oo lagu dilay weerar ka dhacay xeebta Yaman ee Badda Cas.

Ilowareedyo ay leedahay Ilaalada xeebaha aagga Xudeyda, oo fallaagadu gacanta ku hayso, waxay tilmaamayaan in dadkaasi ku duqaysay diyaarad Helikobtar ah oo kuwa dagaalka ah, meel ku dhow marinka Bab el Mandeb.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa baahisay in doonidii dadkaasi Soomaalida ah saarnaayeen ka baxday Yaman kuna socotay Sudan, waxaana la badbaadiyay 80 qofood.

Weerarka ayaa dhacay maalintii Khamiistii, waxaana la sheegay in dadkaasi wateen dokumentiga rasmiga ah ee laanta qaxootiga Qarammada Midoobay UNHCR, una badnaayeen haween iyo carruur.

Lama hayo wali warar dheeraad ah oo la xiriira weerarkan iyo ciddii fulisay toona, laakiin dalalka Sacuudiga iyo UAE oo dagaal kula jira fallaagada Xuutiga ayaa labaduba ku qalabaysanyihiin diyaaradaha Helikobtarka weerarka ee Maraykanku sameeyay, noocooduna yahay “Apache A-64.