GLOBAL NEWS

Qashinka lagu daadiyo xeebta Jaziira wuxuu halis ku yahay Caafimaadka Muqdisho


Magaalada Muqdisho, waa magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad laba milyan iyo bar qof, ayaa waxaysan waxaysan lahayn qaab habeysan oo loo maareeyo qashinka magaalada. Waxaaba qashinka magaalada lagu qubaa laba goobood oo kala ah; Xeebta Jasiira iyo Kaaraan. Qashinka ayaa waxaa si toos ah loogu daadiyaa dhulka, iyadoo aanay jirin godad u qodan oo lagu shubo.

Qashinka lagu qubo xeebta Jaziira ayaa wuxuu hadda halis ku yahay caafimaadka bulshada ku nool Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir. Sideedaba Qashinka ayaa ka mamnuuc ah in loo dhaweeya xeebta, taasoo saameyn ku yeelan karta dadka ku nool deegaannada u dhaw xeebta.

Sannadkii 2010-kii ayaa Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir iyo maamulka Dowladda Hoose Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxay billaabeen olole Qashinka looga nadiifinayo magaalada Muqdisho, balse waxaad mooddaa in muddo ah ay arrimhaasi hirgelin, haddana qashinka si toos ah loogu daadiyo xeebta Jaziira.

Intaas waxaa dheer, Qashinkaas ayaa waxaa dad badan oo masaakiin ah ay ka raadsadaan alaabo kala duwan, maadaama uu meel bannaan ku daadsan yahay, taas oo khatar ku ah caafimaadkooda iyo kan dadka ay la nool yihiin.

Mar ay HOL xiriir la sameysay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar ayaa wuxuu yiri. “Nadaafadda magaalada Muqdisho waa mid mas’uuliyadi ay ka saaran tahay ruux walba oo magaalad ku nool. Maamulka gobolka Banaadirna xil gaar ah ayaa ka saaran inay arrimahaas wax ka qabato.”

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo booqday halka lagu daadiyo qashinka ee Jaziira, ayaa sheegay in magaalo intaan qof ay ku nool yihiin, aysan caqli-gal noqon karin in qashinkooda dibadda lagu daadiyo.

“Waxaan u baahannahay, innagoo fiirinayna caafimaadka dadka iyo deegaanka magaalada in gacan la isku siiyo, waayo maamulka wax ka qabashada arrintaan way ku culus tahay, sidaad daraadeed shirkadaha Qashinka iyo Isbitaallada waan inay caafimaadka magaaladan nala ilaaliyaan, waayo waxaan ku aragnay halkaan qashin laga keenay isbitaallada,” ayuu yiri Iimaan Nuur Iikar.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee gobolka Banaadir – ayaa intaas ku daray inaysan suuro-gal ahayn in waddadii aadaysay Jaziira uu qashin gooyo, taas awgeedna ay doonayaan inay ka shaqeeyaan sidii ay arrintaan wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyb, Arrintaan ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, iyadoo haddii aan wax laga qaban qashinka uu sababi karo caafimad-darro soo wajahda shacabka Muqdisho, waxaa iyadana jirta in Qashin-weyne noocan oo kale uu ku yaallo degmada Kaaraan, kaasoo u baahan wax ka qabasho.