GLOBAL NEWS

Qaraxii Maanta ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne


Afar ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Askari Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia ee AMISOM ka mid ah; ayaa ku dhaawacmay Qarax barqanimadii maanta ka dhacay Bar-koontarool oo ku Taalla Afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo ah taliyaha qeybta booliiska magaalada Beledweyne oo faah faahin ka bixiyay qaraxa, ayaa sheegay in loo adeegsaday Computer nooca Laptop -ka ah oo lagu soo dhax qarxiyay alaabta kala gadisan oo ay wateen dad doonayay in ay ka dhoofaan garoonka.

“Labo Qarax ayay ahaayeen, mid ka mid ah waxaa lagu soo Qariyay Kambiyuutarrada lagu qaato gacanta ee Laptop-ka, halka kan kalena uu ku xirnaa Printer -ka Kambiyuutarada loo adeegsado, Waxaana Qarxay kii ku Xirnaa Laptop-ka, kan kale isagoon qarxin ayaa la kala furfuray,” ayuu G/dhexe Cali Dhuux yiri.

Waxaa uu intaa ku darray in qorshuhu ahaa marka hore in gudaha garoonka loo sii gudbiyo qaraxyadan ama lala sii raaco oo lagu qarxiyo diyaarada, laakiin lagu ogaaday Baaritaanka lagu sameeyo alaabaha kala gadisan oo ay sitaan dadka dhoofaya.

“Qaraxyadan waxaa la doonayay in loo sii gudbiyo gudaha garoonka ama haddii ay Suuro-gal tahay lala sii raaco diyaarada si loogu qarxiyo, Waayo haddii uu ahaa Qarax loogu talo-galay in koontaroolka lagu wax yeeleeyo laguma soo dhax qariyeen alaabta ay siteen dadka rakaabka ah, taas ayaana kuu caddeyneysa in Qaraxan la isku dayay in loo gudbiyo Gudaha Garoonka,” ayuu yiri G/dhexe Cali Dhuux.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay inay Arrintan u soo xireen tiro Dad ah oo ay ku jiraan Dad ka ag-dhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay, Waxaana uu intaa raaciyay in ay jiraan Dad ay tuhusan yihiin laakiin baaritaan lagu waddo.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in shan qof ay u xireen qaraxii ka dhacay garoonka diyaaradaha Beledweyne, isagoo intaa raaciyay in dadka xiran ay ka mid yihiin Shaqsiyaad sida uu hadalkiisa u dhigay si weyn loo tuhusan yahay, wuxuuna eedda Qaraxan dusha uga tuuray Al-shabaab.

Yuusuf Daba-geed ayaa xusay in qaraxii maanta ka dhacay garoonka uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin ahaanba Amniga Garoonka oo sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu billaabi doono duulimaadyadii Garoonka.

Qaraxaan ayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo ka dhacay Gudaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, ayaa siweyn looga hadal-hayaa degmada Beledweyne, madaama dad badani sii xasuustaan qaraxii bishii hore lagu bartilmaameedsaday diyaarada Daallo Airline oo ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Ammaanka ayaa joojiyay Dhaq-dhaqaaqii Garoonka, Waxaana maanta dib u dhacay oo baaqday rakaabkii ka iman lahaa magaalada Muqdisho.