GLOBAL NEWS

Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Goor-dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho


Xarunta talista ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa ka dhacay qarax sababay qasaaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac gaari nooca raaxadda ayaa loo adeegsaday qaraxa kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta fiisho-Taraafico ee degamada Cabdi-caziiz.

Sida la soo wariyay inta la ogyahay 5 ruux ayaa ku dhimatay oo u badan dad goob ganacsi ku heysay ka soo horjeedka xarunta fiisha-Taraafico halka Dhaawacana uu ka badan yahay toban qof sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan nawaaxiga xarunta fiisho taraafiko ee muqdisho.

Wali saraakiisha ciidanka dowladda kama aysan hadlin qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay inta uu la eg yahay ka sokow dadka halkaasi ku sugan .xarunta fiisho- taraafiko ayaa ah barta ay saldhiga ugu weyn ku lee yihiin ciidanka ilaalada nabad galayadda wadooyinka.