AF-SOOMAALI

Qarax khasaare dhimasho sababay oo ciidamo lagula eegtay dulleedka magaalada Kismaayo


-Ciidamo ajnabi ah oo la socdeen kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta qarax lala eegtay dulleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Weerarka qaraxa oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay, ayaa sababay dhimashada tiro ka mid ah ciidamada Jubbaland, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Xasan Ciraaqi oo ka mid ka mid ah saraakiisha cidiamada maamulka Jubbadaland ayaa VOA u sheegay in ciidamada la weeraray ay ka soo laabteen howlgal ay ku guda jireen oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo aan dhab ahaan loo ogeyn tirada ciidamada ajnabiga ah ee la socday kuwa Jubbaland, ayaa hadana dhinaca kale waxaa ay wararku sheegayaan in ciidamada isbaheysanaya ka soo laabteen howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Wixii faah faahin ah ee ka soo kordha warka ku saabsan qaraxa waan idin soo gudbin doonnaa..