AF-SOOMAALI

Qarax goordhaweyd ka dhacay waddada Afasiyooni ee garoonka diyaaradaha laga galo


Qarax ayaa Goor-dhaw ka dhacay waddada Afsiyooni ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in Qaraxu uu ahaa mid dhawaaq weyn, balse aanay ogeyn goob kala beegsaday, waxaana halka uu Qaraxu dhacay laga Maqlayay Dhawaaqa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambulace-ga loo yaqaan.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari Wax-yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Sidoo kale, Rasaas Teel-teel ah ayaa laga maqlayay Goobtaas, illaa haddana ma jirto Wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amaanka Dowladda Somalia, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyaddiisa