GLOBAL NEWS

Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Ogolaaday shirka Jowhar iyo kuwo diiday


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa saakay Magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay – Shan duub-dhaqameed, kuwaasoo ay kawada hadleen shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Laakiin, duubabka dhaqanka kulanka la yeeshay madaxweynaha ayaa sheegay in go’aan ka gaarista shirka Jowhar muhiim tahay in ay u dhan yihiin guud ahaanba duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, sidaa awgeed loo baahan yahay in madasha wada-tashiga lagu soo celiyo Ugaasyada kale ee ka maqan.

Intaa kaddib duubabka dhaqanka ayaa ka dalbaday madaxweynaha in la siiyo waqti kooban oo ay ku qanciyaan Ugaasyada ka biyo diidan qorshaha dowladda, waxaana kulan saacado badan qaatay oo ka dhacay hotelka Hiiraan markii danbe uu ku soo dhamaaday guul-darro, kaddib markii Ugaas Xassan Ugaas Khalif oo ay wehliyaan Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed ka soo horjeesteen wadda-hadal mar kale laga yeesho arinta shirka Jowhar.

Markii uu soo dhammaaday kulanka duubabka, ayaa waxaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan shan ugaas dhaqameed iyo wasiirka arrimaha gudaha Somalia iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa oo si wadda-jir ah ugu dhawaaqay in leysku afgartay shirka Jowhar, dhawaanna sidda ugu dhaqsiyaha badan u furmi doono.

Dhinaca kale, shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Xasan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec waxay si wadajir ah u Qaaddaceen go’aanka Ugaasyada kale, iyaga oo sheegay in aysan arintaa ku mideysneyn.

“Kulankeenii saakay annaga iyo Ugaasyada kale is afgarad la’aan ayuu ku soo dhamaaday, maxaa yeellay waxaa ay inoo sheegeen in aan qaadanno go’aanka ah ka qeyb-galka shirka Jowhar, annagana mowqifkeena ayaan u sheegnay, oo ahaa in aan shirkaa ka qeyb-gali doonin, siddaa ayaan ku kala tagnay, go’aankan danbe iyaga ayuu u gaar yahay” ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Ugaasyada maanta ku dhawaaqa ay ka qeyb-galayaan shirka Jowhar ayaa kala ah Ugaaska beesha Gaaljecel, Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi, Wabarka beesha Jajeele Wabar Geedi Wabar Xassan, Wabarka Baadi-cadde Wabar Max’med Wabar Axmed, Ugaas beesha Jidle, Ugaas C/naasir Ugaas Nuur iyo Ugaaska beesha Baajimaal Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad.

Halka dhinaca kale, go’aankaan ay is hor-taageen Ugaasyada kale ah; Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec.

Ugaas Xassan Sheekh ayaa sheegay in labo kulan oo dhaxmaray isaga iyo madaxweynaha tan iyo markii uu furmay shirka Jowhar uu guul-darro ku soo dhamaaday, kadddib markii madaxweynaha DF ay ku adkaatay inuu jawaab ka bixiyo saddex qodob oo ay hor dhigeen.

Ugu dambeyn, lama oga sida uu u fuli doono go’aanka wadajirka ay u qateen mas’uuliyiinta dowladda iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka, madaama wali uu taagan yahay muranka arrintaan ku saabsan.