GLOBAL NEWS

Puntland oo sheegtay in Ciidammo AMISOM ah aan la keeni doonin Deegaanadooda (SAWIRRO)


Wasiirka Ammaanka Puntland Xasan Cismaan Aloore oo maanta la hadlayay qaar kamid ah guddiyada ka qayb-galaya shir looga hadlayo adkaynta amniga Puntland oo ka socda Garowe ayaa sheegay inaysan aqbali karin ciidamo ajnabi ah oo yimaada gudaha gobolka.

“Markii uu Garowe ka dhacay weerarkii ismiidaaminta ahaa, hay’adahu waa ay cabsadeen waxayna naga dalbadeen inay keensadaan ciidamo ajnabi oo AMISOM katirsan, laakiin anagu waan ka diidnay waxaana u sheegnay inay ciidamadeenu ku filan yihiin amnigooda,” ayuu yiri wasiirka amniga oo arintan si adag uga hadlay.

“Anaga iyo Shacabka ayaa laga doonayaa inaan iska kaashanno sidii kooxaha argagaxisada ah loosoo af-jari lahaa, mana u baahnin in Gacmo Shisheeye ay Arrintan ka Qayb-qaataan,” ayuu mar kale yiri Aloore.

Wasiirka ayaa xusay in dhibaatada amni ay sii kordhi karto hadii la keeno ciidammo Ajnabi ah, waxaana uu sheegay in hadda ay socdaan Qorshayaal lagu sugayo guud ahaan amniga Puntland, xilli maamulku uu Dagaal Adag kula jiro Kooxda Al-shabaab oo Fariisimo ku leh buuraha gobolka Bari ee Gal-gala.

Dhinaca kale Shir aan caadi ahayn oo maanta ay isugu yimaadan golaha wasiirada Puntland uuna Shir-gudoominayay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, C/xakiin Cameey ayaa lagu cadeeyay in aysan jirin wax ciidamo ka socda AMISOM oo imaan doona gudaha Puntland.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa lagu Qaadacay guddiyo Dhawaan ay magacowday Dowladda F. Somalia, Waxaana War-murtiyeedka maanta lagu Xusay inay guddiyadaas yihiin kuwa aan ku dhisnayn sharci ,isla markaana aan Puntland lagala tashan.