AF-SOOMAALI

Prof. Jawaari oo ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka


Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa Muqdisho uga dhawaaqay in mar kale uu u taagan yahay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga qaban-qaabada doorashada hogaanka sare ee gollaha shacabka ayaa dhawaan ku dhawaaqa waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa, waxaana socta diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilkan.

Prof .Jawaari oo afartii sano ee la soo dhaafay ahaa guddoomiyaha baarlamaankii ayaa mar kale sheegay in uu daneynayo hogaamiyo gollaha shacabka sanadka 2016-2020.

Munaasabad ayuu ka sheegay in hadii loo doorto guddoomiyaha baarlamaanka uu wax badan ka badali doono habsami u socodka howlaha guud ahaan baarlamaanka 10aad oo markii ugu horeysay ku yimid doorasho.

Ugu danbeyntii, doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ah mid xiiso gaar ah xambaarsan, waxaana jirta hadal heyn ku saabsan in musharixiinta u taagan xilka guddoonka sare ee baarlamaanka kala jiidanayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.