GLOBAL NEWS

Prof. Galeydh oo Isku-shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada Maamulka Khaatumo


Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali khaliif Galayr ayaa isku-shaan-dheyn ku sameeyay golaha wasiirrada maamulkiisa, isagoo magacaabayna qaar cusub, wasiirradan oo dhammaantood lagu dhaariyay isla goobtaasi.

Wasiirrada uu Galeydh magacaabay ayaa kala ahaa;

  1. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo isku-xidhka Fedaraalka, Maxmuud Ismaaciil Shabac. Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda iyo isku-xidhka Federaalka, C/xakiin Faarax dhaaye. Wasiir ku-xigeennada isla wasaaraddan, Maryama Xasan Diiriye iyo Safiya Cali caateeye oo ku xigeenka labaad ah.
  2. Wasiirka Arimaha Gudaha, Axmed Maxamuud Doolaal. Wasiir ku xigeenaduna waxay kala yihiin; Abshir C/casiis Sheekh Maxamuud iyo C/llaahi Jaamac Diiriye.
  3. Wasiirka Maaliyadda, Xasan Muuse Cawil, Wasiir ku-xigeennada Maxamed Cali Bashiir iyo C/rashiid Xaaji Axmed.
  4. Wasiirka Amniga, Keyse Cabdi Yuusuf. Wasii-u-dowlaha, Faarax Maxamed Xasan Falaalug. Wasiir ku-xigeenka, Faarax Maxamed Cashuur.
  5. Wasiirka Caafimaadka iyo Haweenka, Iidle Dubad. Wasiir-u-dowlaha C/risaaq Siciid Faarax.
  6. Wasiirka Waxbarashada Isboortiga iyo dhallinyarada, Cabdinaasir Cali Caynab. Wasiir ku-xigeenka, Faysal Muuse Dheri.
  7. Wasiirka Kheyraadka iyo Biyaha, Mukhtaar Ciise Faarax.
  8. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Maxamuud Cali Faraax. Wasiir ku xigeen, Siciid Maxamed Mire.
  9. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Axmed Xaaji Cali.
  10. Wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, C/rashiid Cawil Cadi Hiirad. Wasiir ku-xigeen C/qani Khaliif Faarax.

Waxa kaloo madaxwaynuhu magacaabay saddex guddi oo ka kooban mid wada-xaajoodka ah, mid dhaqaale iyo guddiga difaaca. Waxayna kala yihiin;

Guddiga Wada-xaajoodka;

  1. Cisman Xasan Xaaji Cumar.
    2. Cali Ciise abdi
    3. Nuur Maxamed Gaas
    4. Mohamed C/raxaan X Ibrahin
    5. C/rashiid Macain Faarax

Guddiga Dhaqaalaha;

  1. Cali Xaaji Cige
    2. Axmed Mohamed Adan
    3. Saleebaan Abdi Ducaale
    4. C/qaadir Ahmed Xandule
    5. Cali Maxamuud Dafir
    6. Maxamed Jibriil
    7. Ubax Olol
    8. Kinsi Maxamed Cabdi
    9. Sahra Cabdi Xab-xab

Guddiga Amniga iyo Difaaca;

  1. Maxamed Macallin Faarax
    2. Maxamed Mire
    3. Daahir Maxamed Nuur
    4. Warsamed Seeraar
    5. Abdi Warsame Dhuub
    6. Axmed Maxamed Cabdi
    7. Cumar Biixi Ducaale

Ugu dambeyn, isku-shaan-dheyntaan oo ka dhacda deegaanka Bali-Cad oo 90-KM dinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ah kii ugu horreeyay oo uu madaxweynuhu ku sameeyo wasiirrada xukuumadiisa.