AF-SOOMAALI

Nicholas Kay “Waxaan ku boorinayaa Xoogagga Ahlusuna inay ka baxaan Dhuusa Mareeb, dibna ugu laabtaan….”


Ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay xaalada Gobolka Galgaduud, gaar ahaan tallaabadii kooxda Ahlusuna Wal-jameeca kula wareegeen degmada Dhuusa Mareeb.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Danjire Kay ayaa lagu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay waxa ka dhacaya Dhuusa Mareeb, waxaana uu ku baaqay in labada dhinac ay xushmeeyaan heshiiskii xabad joojinta ee Guriceel lagu saxiixay 5-tii bishii Maarso.

“Aad ayaan uga walaacsanahay waxa ka dhacaya Dhuusa Mareeb, dhamaan dhinacyadu waa inay xushmeeyaan heshiiskii xabbad joojinta ee Guriceel lagu saxiixay bishii March 5teedii” ayuu yiri Nicholas Kay oo ku baaqay in laga baaqsado qalalaase xaaladdana lagu soo celiyo degganaan.

Mr Kay ayaa ugu baaqay Ahlusuna Wal-jameeca inay ka baxaan Dhuusa Mareeb, isla markaana waxyaabaha jira lagu xaliyo wada hadal.

“Waxaan ku boorrinayaa xoogagga Ahlusuna Wal-jameeca inay ka laabtaan (Dhuusamareeb) oo ay u baxaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen, dhammaan kala duwanaanshahana lagu xalliyo wada-hadal iyo isu-tanaasul”ayuu yiri Nicholas Kay.

Ergayga ayaa tilmaamay in tallaabada noocaan oo kale ah ay wax u dhimi karaan horumarrada gobollada dhexe loogu sameynayo maamulka iyo shirk aka soconaya Cadaado.

Hadalkan ka soo yeeray Nicholas Kay ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Ahlusuna Axadii la soo dhaafay la wareegtay Dhuusa Mareeb, waxaana ciidankii dowladda ay u carareen dhanka degmada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.