AF-SOOMAALI

Nicholas KAY: Shirka Midowga Afrika Waxaa looga Dooday Nabad ka Dhalata Soomaaliya –


Ergayga QM u Qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo ka Qayb-galay Shirka 25-aad ee Midowga Afrika uga socda Johannesburg ayaa sheegay in shirka looga hadlay Arrimaha Haweenka Soomaaliya, iyadoo intaa ku daray in xilliyadii u dambeeyay ay sii Kor-dhayso xoojita Awoodda Haweenka Soomaaliyeed, sida ka Qayb-galka siyaasadda iyo horumarrada dalka ka socda.

Danjire Kay ayaa sidoo kale xusay in Ajandaha ugu weyn ee looga hadlayay Shirka 25-aad ee Midowga Afrika ee ka socda Koonfur Afrika ay ahayd sidii loo Xoojin lahaa Nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya loo Xoojin lahaa, loogana Taageeri lahaa Xukuumadda dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed; taasoo Sahli karta in la baabi’iyo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu xusay inay jiro rajo badan oo Nabadda iyo Ammaanka Somalia laga gaaro, isagoo intaas ku daray inay muhiim u tahay dalalka Bariga Afrika in wax badan laga qabto xasillooni kusoo dabaalidda Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu haatan ku sugan yahay Shirka uuna soo bandhigi doono wixii laga qabtay Somalia sida horumarka ay haatan Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay, Sidoo kalana uu Arrimaha Nabadda iyo Amniga Somalia kala hadli doono madaxda kala duwan ee ka socda dalalka Afrika.

“Madaxda iyo Xildhibaannada Somalia waxay haatan ku mashquulsan yihiin sidii marka la gaaro August 2016-ka ay dalka u Qabsoomi lahayd Doorasho Qof iyo Cod ah, Waxaanan u rajeynayaa dadka Soomaaliyeed in sanadkaas uu u noqon doono mid dumuquraadiyadeed.”

Dhanka kale, Wuxuuna intaas ku daray in in Howlaha Federaalka ee Somalia iyo dhismaha Maamullada Gobollada Somalia ay si xowli ah u socdaan taasoo ka Qayb-qaadan karta ka miro-dhalinta doorasho Somalia ka dhacda Sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, Shirka Midowga Afrika uga Socda Magaalada Johannesburg ayaa Waxaa Ajandihiisa ugu weyn uu yahay Arrimaha Xoojinta iyo Horumarinta Haweenka Qaaradda Afrika iyo sidii Dalalka ay Colaaduhu ka jiraan oo ay Somalia ka mid tahay looga Gacan-siin lahaa sidii looga baabi’in lahaa Xad-gudubyada Haweenka loo Geysto ayna ka Qayb-qaataan Siyaasada iyo Maamulka Waddamadooda